Somaliska

Waa dembi in qof la dilo

Ninkaada, ninka aad nolosha wadaagtiin, wiilka aad saaxiibka tihiin, aabahaa, walaalkaa ama wiilkaada xaqq uma laho in uu ku kontaroolo oo ku xadido, kuu hanjabo, ku dilo, ama kugu sameeyo xadgudubka galmoodka. Khaladka adiga kuma saarna.

Ninka baa mas’uul ka ah ficiladiisa.

Adigu keligaa ma tihid

Haween badan baa la qasbaa iyada oo aanan loo eegin da’dooda, xirfaddooda, dabaqadda ay bulshada ku leeyihiin, diintooda iyo dhalashadooda.

Ma ahan in aad aqbashid in lagu dilo. Qof uga sheekey waxa laguu geystay! Marka laga baxo aamusnaanta bay furmayaan jidadka caawinaadda.

Ma waxaa kaa maqan sharciga deggenaanshaha (PUT)

 Waxaad heli kartaa caawinaad xittaa haddii uu ninkaadu kuu hanjabo oo ku dhaho in dalka lagaa saarayo haddii aad isaga booliiska ku dacweysid ama haddii aad qof u sheegtid in uu jidh dil kuu geystay. 

Waxaad wacdaa Terrafem

Halkaan waxaad caawinaad ku helaysaa luuqaddaada. Terrafem waxay kaa caawineysaa in aad ka shaqeysid dhaawacyada ay qasbiddu iyo cadaadintu kuu geysatay.

Terrafem waxay ku siineysaa talo bixin sharciyeed, waxay kuu diyaarineysaa la kulanka booliiska, waxayna ku caawineysaa inta ay maxkamaddu socoto.

Terrafem waxay ku siin kartaa guri ilaalsan iyada oo la shaqeyneysa xafiiska adeegga bulshada (socialtjänsten). Wareysiga taleefoonka kuma soo bixi doono qaan-sheega bishii soo dhaca ee taleefoonka, lambarkana lama diiwaangelin doono. Wareysiga taleefoonka waa lacag la’aan.